Baarlamaanka oo maanta dib u billaabaya fadhiyadiisa

0
236

Waxaa maanta dib u billaabanaya kal-fadhiyada baarlamaanka ka dib markii xildhibaannada ay galeen fasax kooban oo la xiriira dabbaal degga Easter .
Baarlamaanka ayaa la filayaa inuu maanta guda galo qorshaha la xiriira dhaqangelinta wada hadallada mucaaradka iyo dowladda dhexe.
Mudanayaasha ayaa soo saari doono nidaamka hagaya wada xaajoodyada.
Baarlamaanka ayaa sidoo kale eegi doono warbixinta guddiga shaqada iyo shaqaalaha ee ku aaddanayd tacaddi dhanka galmada ah oo loo gaystay haween ka shaqeynayay shirkadaha soo saaro caleenta shaaha ee ismaamulka Kericho taasoo golaha loo gudbiyay 23-ka bishii Saddexaad ee sanadkan.