In ka badan 4 qof oo lagu dilay baabuur lagu qarxiyay Pakistan

0
165

Ugu yaraan afar ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar bambo ah oo lala eegtay baabuur ay leeyihiin booliiska wadanka Pakistan.
Baabuurka ayaa xilligaasi marayay magaalada galbeed ee Quetta.
In ka badan 15 qof oo dheeraad ah ayaa falkaasi ku dhaawacmay.
Weerarkan ayaa ah midkii labaad ee gudaha Pakistan laga gaystay wax ka yar 24 saacadood gudahooda ah.
Galinkii dambe ee daraad ayay ahayd markii weerar kale uu ka dhacay Quetta waxaana ku dhintay labo sarkaal oo booliis ah halka mid kale uu ku dhaawacmay .