Wasiirka wasaaradda ganacsiga, maalgashiga iyo warshadaha ee dalka Moses Kuria ayaa sheegay in dowladda dhexe ay diyaar u tahay wada hadal ay la yeelato madaxa mucaaradka Raila Odinga balse uunan marnaba jiri doonin awood qaybsi.
Kuria ayaa arrintan ka hadlay xilli uu ku sugnaa magaalada Nanyuki ee ismaamulka Laikipia.
Waxaa uu wasiirku hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in wada hadallada ay noqdaan kuwo ku qotomo horumarka qaranka isagoo intaasi ku daray in dowladdu aynan oggolaan doonin inay sii socoto u hoggaansanaan la’aanta nidaamka maamulka.
Wasiirka ganacsiga ayaa xusay in la doonayo in dibadbaxyada mucaaradka ay noqdaan kuwo nabad ah.
Kuria ayaa sheegay in hoggaanka sare ee dowladdu aynan diidin in la wada hadlo ama ay geeddisocodkan qayb ka noqdaan dhexdhexaadiyayaal shisheeye.




