Wiil ku dhaawacmay dibadbaxyadii mucaardka oo geeriyooday

0
312

Waxaa isbitaalka qaran ee Kenyatta ee magaalada Nairobi ku geeriyooday wiil 19 sano jir ah oo ku dhaawacmay dibadbaxyadii isbeheysiga mucaaradka uu ka sameeyay caasimadda dalka.
Warbixinta isbitaalka ayaa muujinaysa in Jamleck Mwanza laga daaweynayay dhaawac ka soo gaaray dhanka madaxa 30-kii bishii hore.
Waalidiinta wiilka geeriyooday ayaa madaxda siyaasadeed ka codsaday inay wada hadlaan si shacabka aynan saameyn uga soo gaarin muranka iyaga ka dhexeya.