Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya In ka badan 200,000 oo macallimiin ah oo maareynaya KCSE-da

In ka badan 200,000 oo macallimiin ah oo maareynaya KCSE-da

Madaxa fulinta ee guddiga adeegga barayaasha dalka ee TSC, Nancy Macharia ayaa sheegtay in 227,000 oo macallimiin ah la turxaan bixiyay kadibna loo oggolaaday maareynta imtixaannada.
Warbaahinta dalka oo ay maanta kula hadashay Mombasa ayay madaxa TSC u sheegtay in golaha imtixaanada qaran ee KNEC uu ku qancay macallimiintan.
Ismaamulka Mombasa waxaa sanadkan KCSE-da sameeynaya arday dhan 9042 .
4038 oo ka mid ah tiradan waa gabdho halka 5004 ay wiilal yihiin.
Mrs. Macharia ayaa carrabka ku dhufatay in warbixino dhanka sirdoonka ah oo la helay ay fududeeyeen in sare loo qaado kormeerka 20 dugsi oo la soo tabiyay in ay qorsheeyeen qish.
Waxay dhanka kale dhammaan macallimiinta dalka ka codsatay in ay si iskood ah u qaataan tallaalka COVID-19 iyada oo xaqiijisay in toddobaadkii hore laga tallaalay cudurka oo ayna rajeynayso in macallin kasta uu iska xaadiriyo goobaha loo asteeyay bixinta tallaalka.
Madaxa fulinta ee TSC Nancy Macharia waxay xustay in tallaalka la siin doono 92,850 oo ah macallimiinta wax ka dhigo dugsiyada dowladda ee ay da’doodu ka sarreyso 50 sano.
Sidoo kale 16500 oo ah barayaasha dugsiyada sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa heerka caalamiga ayay ku boorrisay in ay tallaalka qaataan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments