Shiinaha oo maalinkii labaad dhoolatus militari ka wado agagaarka Taiwan

0
302

Dowladda Shiinaha ayaa lagu soo warramayaa inay maanta agagaarka Taiwan gaysay dhowr diyaaradood iyo maraakiib ah kuwa dagaalka.
Waxay halkaasi maalinkii labaad ka wadaa dhoolatus militari oo ballaaran.
Xukuumadda Beijing ayaa muujinaysa awoodeeda ka dib markii ay ka carootay kulan dhawaan dhex maray guddoomiyaha golaha wakiillada ee Maraykanka Kevin Owen McCarthy iyo madaxa Taiwan Tsai Ing-wen
Donald Ho oo ay da’diisu tahay 73 sano kana mid ah shacabka Taiwan ayaa walaaca ka muujiyay xaaladda taagan.
Waxaa uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay inuu ka cabsi qabo inuu dagaal dhaco taasoo saameyn ku yeelan karta Shiinaha iyo Taiwan labaduba.