Booliiska Kericho oo soo helay mootooyin la dhacay

0
401

Ciidamada booliiska ee dowlad deegaanka Kericho ayaa dib u soo helay 6 mootooyin ah oo horay looga dhacay milkiilayaal.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa bayaan uu maanta soo saaray arrinkan ku xaqiijiyey.
NPS ayaa laga soo xigtay in ka dib xog laga helay shacabka ay ciidamadu sameeyeen howlgal.
Mootooyinka ayaa lagu arkay guri kiro ah oo uu leeyahay Bernard Ongoma oo 47 sano jir ah.
Ongoma ayaa gacanta lagu dhigay wuxuuna hadda maraya baaritaano dheeraad ah.
Saraakiisha booliiska ayaa dhanka kale wado baaritaano la xiriira shakhsiyaadka ka dambeeyay dhaca mootooyinka si looga qaado tallaabo sharciyeed.