DHAGEYSO:Guddoomiyaha Siaya oo sheegay in Raila uunan doonayn heshiis siyaasadeed

0
377

Barasaabka ismaamulka Siaya James Orengo ayaa sheegay in madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga uunan diyaar u ahayn heshiis siyaasadeed oo la mid ah midkii sanadkii 2018-kii ee loogu magacdaray Handshake.
Waxaa uu tilmaamay in sababta uu Raila u hoggaamiyay dibadbaxyo ay tahay in dowladda dhexe ay hoos u dhigto qiimaha maciishadda ee sarreeya.
Orengo ayaa intaasi ku daray in mudaaharaadyadii mucaaradka la hakiyay oo haddii ay dantu keento dib loo billaabi doono iyagoo noqonaya kuwo aan horay loo arag.