Madaxweynaha dalka oo baaq u diray beeralayda

0
356

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa beeralayda ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan roobabka da’aya oo ay abuur sameeyaan.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu maanta ku sugnaa kaniisad ku taalla magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu.
William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in gudaha wadanka ay ka taagan tahay dood ku saabsan qiimaha maciishadda.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in sida keliya ee xal waara loogu heli karo sicir bararka nololeed ay tahay sare u qaadidda wax soo saarka beeraha.