Koox hubeysan oo ugu yaraan 74 qof ku dishay Nigeria

0
367

Booliiska dalka Nigeria iyo saraakiil kale oo maxalli ah ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 74 ruux ay ku dhinteen labo weerar oo koox hubeysan ay ka gaysatay gobolka Benue .
Waxaa gobolkaasi sanadihii ugu dambeeyay ku soo badanayay rabshadaha u dhexeya beeralayda iyo xoolo dhaqatada.
Afhayeenka booliiska gobolka Benue ee dalka Nigeria ,Catherine Anene ayaa sheegtay in 28 meydad ah laga helay xero ay ku jiraan barakacayaal.
Meydadkan ayaa la arkay intii u dhexeysay galinkii dambe ee Jimcada iyo shalay subax.
Paul Hemba oo ah la taliyaha dhanka ammaanka ee guddoomiyaha gobolkaasi ayaa isna sheegay in la helay 46 meydad dheeraad ah.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay weerarrada in kastoo ay socdaan baaritaano lagu ogaanaya.