Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa xabsiga ka siidaysay 13 qof oo ka mid ah kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta gudaha dalka Yemen.
Tani ayaa timid ka dib heshiis ay gaareen dhinacyada sida uu xaqiijiyey afhayeenka Xuutiyiinta Cabdul-Qader el-Murtaza.
Qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ayuu ku sheegay in maxaabiista la soo siidaayay ay gaareen Sancaa.
Tallaabadan ayaa timid iyadoo saraakiil ka socdo dowladda Cummaan ay soo gaareen caasimadda Yemen ee Sancaa wuxuuna socdaalkooda qayb ka yahay dadaallo heer caalami ah oo lagu soo afjaraya colaadda muddo dheer ka taagan Yemen.
Dagaallada Yemen ayaa soo billowday sanadkii 2014-kii ka dib markii Xuutiyiinta ay qabsadeen magaalada Sancaa iyo in badan oo ka mid ah waqooyiga dalkaasi waxayna hoggaanka ka tureen maamulkii dowladeed ee Yemen ee uu caalamku aqoonsanaa.
Bilooyin ka badan isbeheysiga militari ee uu Sacuudiga hoggaaminaya oo garab siinaya dowladda Yemen ayaa billaabay inuu la dagaallamo Xuutiyiinta waxaana weli socdo howlgallada amni.




