Dad badan oo ku dhintay shil laga argagaxay oo ka dhacay ismaamulka Migori

0
359

Waxaa korortay tirada dadka ku dhintay shil saaka ka dhacay ismaamulka Migori, kaas oo uu ku lug lahaa baabuur nooca xamuulka qaada ah.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in shilka ay ku dhinteen 10 qof, iyadoo tirada dhimashadu marka hore ahayd 8 ruux.
Booliiska ayaa xaqiijiyay in labo qof oo kale ay ku dhinteen isbitaalka, xilli xaaladooda dhaawaca lala tacaalayay.
Lix ruux ayaa isla goobta ku geeriyootay ka dib markii gaari nooca xamuulka qaada ah uu koontaroolkii ka lumay oo uu jiiray dad waddada marayay.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala ismaamulka Migori Mark Wanjala ayaa sheegay in shilka uu dhacay 7-dii aroornimo ee maanta.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in darawalkii waday gaariga uu koontaroolkii lumiyay, waxaana uu jiirsiiyay dad lugeynayay iyo qaar ka mid ah wadayaasha mootooyinka oo hareeraha waddada jooga.
Dhanka kale hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa tacsi u diray qoysaskii ay ka baxeen dadkii shilka ku geeriyooday.