Madaxweynaha dalka oo farriin u diray shacabka

0
398

Madaxweynaha dalka William Ruto oo shacabka u diray farriin la xiriirta fasaxa Easter ayaa dadweynaha ku boorriyay inay ka wada shaqeeyaan horumarka qaranka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in kastoo dalka uu dhawaan soo maray caqabado kala duwan haddana in muwaadin waliba laga doonaya inuu ku dadaalo arrimaha horumarka.
Madaxweynaha ayaa tusaale u soo qaatay hoos u dhaca dhaqaale , deymaha, saameynta abaarta iyo isfahan waaga siyaasadeed.
Waxaa uu qoraalkiisa ku xusay in la joogo xilligii dib loo sixi lahaa waxyaabaha qaldamay si wadanka uu ugu sii socdo jahada toosan.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in maamulkiisa uu sameynaya horumar ku aaddan fulinta ballanqaadyadii xilliyadii ololaha doorashada oo ay ka mid tahay wanaajinta dhaqaalaha wadanka.
Ruto ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay mustaqbalka dalka wuxuuna ku baaqay in dhinac la iskaga dhigo kala duwanaanshaha jira.