Isbeheysiga Azimio oo shuruudo ku xiray ka qayb galka wada hadallada

0
364

Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja- One Kenya ee uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa soo bandhigay shuruudo dhowr ah oo uu doonaya in la fuliyo si ay uga qayb qaataan wada hadallada lagu xallinaya muranka siyaasadeed ee dalka ka taagan.
Shuruudaha mucaaradka waxaa ka mid ah in la baaro sababaha keena sare u kaca qiimaha maciishadda sidoo kalena lala yimaado tallaabooyin xal waara noqon karo.
Sidoo kale waxay doonayan in baaritaan qoto dheer lagu sameeyo diiwaanka guddiga doorashooyinka ee IEBC ka hor doorashadii guud ee sanadkii hore, intii lagu guda jiray codeynta iyo markii la soo gabagabeeyay ka dib.
Mucaaradka ayaa sidoo kale rabo in dib u eegis lagu sameeyo shaqaaleysiinta saraakiisha IEBC iyo go’aankii shaqada looga joojiyay afartii sarkaal ee ka tirsanaa guddiga.
Isbeheysiga Azimio ayaa doonaya in laga baaraan dego in la daadajin karo doorashada , xubnaha IEBC iyo in guddiga uu noqdo mid joogto ah.