Safar labo cishe qaadanaya ayaa la filayaa inuu dalka Turkiga uga billowdo wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee wadanka Ruushka Sergey Lavrov .
Waxaa uu qorshuhu yahay in wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu iyo dhigiisa Ruushka ay ka wada hadlaan dagaalka ka taagan Ukraine , iskaashiga dhanka tamarta iyo heshiiska dhoofinta qamaddiga ee dekadaha badda madow.
Dowladda Turkiga ayaa marar badan xukuumadaha Kyiv iyo Moscow ugu baaqday inay qaab wada hadal ah ku dhameeyaan duullaanka militariga ee socdo in ka badan hal sano.