Maxkamadda sare ee dalka ayaa diiday inay joojiso geeddisocodka lagu shaqaaleysiinaya saraakiisha cusub ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC.
Garsoore Mugure Thande ayaa amartay in dhinacyo kala duwan ay kiiskan dhageystaan 13-ka bishan.
Waxay sheegtay in arrintan ay tahay mid dadweynaha ay daneynayaan sidaas awgeedna u baahan in go’aan degdeg ah laga soo saaro.
Waxaa dacwaddan maxkamadda u gudbiyay senatarka ismaamulka Busia Okiya Omtatah.