Saraakiisha booliiska ee maamulka Israa’iil ayaa howlgallo ay xalay ka fuliyeen magaalooyinka Umm Al-Fahm iyo Baqa al-Gharbiyeh waxay ku soo xireen ugu yaraan afar ruux oo falastiiniyiin ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inay sidoo kale sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryeen dibadbaxayaal.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo mudaaharaadyada ay ku sii fidayaan magaalooyinka kale ee Haifa, Nazareth, Kufr Kanna iyo Arrabeh.