Wasiirrada arrimaha dibadda ee Iiraan iyo Sacuudiga oo ku kulmay Shiinaha

0
252

Wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda ee Iiraan iyo boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kulan ku yeeshay caasimadda dalka Shiinaha ee Beijing.
Kulankan ayaa ah midkii ugu horreeyay ee rasmi ah oo dibloomaasiyiinta ugu sarreeya labada dal dhex maro muddo toddobo sano ah.
Warbaahinta dowladda Sacuudiga ee Al Ekhbariya ayaa ku warramaysa in dhaxal suge Faisal bin Farxaan iyo dhigiisa Iiraan Hossein Amir-Abdollahian ay is arkeen.
Bishii Saddexaad ee sanadkan ayay ahayd markii Sacuudiga iyo Iiraan ay ku heshiiyeen inay dib u soo celiyaan xiriirkii ka dhexeyay oo ayna xarumaha dibloomaasiyadeed isu furan labo bilood gudahooda.
Dowladda Shiinaha ayaa isku soo dhaweysay labada dowladood oo ka shaqeysay inuu dhex maro isafgarad taariikhi ah.
Xukuumadda Riyadh ayaa Tehran u jartay xiriirkii kala dhexeyay ka dib markii sanadkii 2016-kii dibadbaxayaal ka soo jeedo dalka Iiraan ay weerareen xarumaha dibloomaasiyadeed ee Sacuudiga.
Tallaabadaasi ayaa timid ka dib markii dowladda Sacuudiga ay dishay hoggaamiyihii shiicada Nimr al-Nimr .