Madaxweynaha Faransiiska oo gaaray Beijing

0
297

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron iyo madaxa guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa maanta safar ku tagay caasimadda dalka Shiinaha ee Beijing.
Waxay halkaasi ku joogi doonaan booqasho rasmi ah oo qaadanaysa saddex cishe iyadoo uu qorshuhu yahay inay la kulmaan madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Macron ay wehelinayaan wafdi ka kooban in ka badan 50 qof oo ah madaxda fulinta ee shirkadaha wuxuuna la kulmi doonaa jaaliyadda ganacsatada Faransiiska ee ku nool Shiinaha.
Hasa ahaate waxaa si wayn loo wada sugaya qaabka ay isaga iyo von der Leyen Shiinaha ugala hadli doonaan duullaanka militari ee uu Ruushku weli ku hayo Ukraine.
Safarka Macron ayaa ah midkii ugu horreeyay ee uu Shiinaha ku tago tan iyo sanadkii 2019.
Waxaa uu horay u sheegay in xukuumadda Beijing ay door ka qaadan karto dagaalka Ukraine maadaama ay xiriir adag la leedahay Ruushka.
Macron ayaa doonaya inuu sii joogteeyo xiriirka ganacsi ee ka dhexeya Shiinaha iyo Yurub iyo inuu sidoo kale ilaaliyo danaha Faransiiska ee Aasiya.