Maraykanka oo Ukraine ku taageeraya 2.6 bilyan oo doolar

0
226

Dowladda Maraykanka ayaa shaaca ka qaadday taageero militari oo dheeraad ah oo ay siinaysa Ukraine.
Caawimaaddan oo gaaraysa 2.6 bilyan oo doolar ayaa waxaa qayb ka ah baabuurta shidaalka iyo saddex ka mid ah hannaanka kormeerka hawada.
Safaaradda dowladda Ruushka ay ku leedahay magaalada Washington oo qorshahan ka falcelisay ayaa Maraykanka ku eedeysay inuu doonaya in colaadda Ukraine ay sii socoto muddo dheer.