Shakhsi doonaya inuu hoggaamiyo EACC oo hantidiisa ku sheegay 170 milyan

0
253

Guddiga baarlamaanka dalka u qaabilsan cadaaladda iyo arrimaha sharciga ayaa guda galay turxaan bixinta shakhsiyaadka daneynaya xilka guddoomiyaha guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC.
Bishop David Oginde ayaa maanta ka soo hor muuqday guddigan wuxuuna qiimaha hantidiisa ku sheegay 170 milyan oo shilin.
Bishii hore ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu baarlamaanka u gudbiyay liiska dadka uu doonaya in la xaqiijiyo inay guddoomin karaan EACC iyo in kale.
Waxaa sidoo kale guddiga arrimaha cadaaladda ee baarlamaanka ee uu hoggaamiyo xildhibaanka deegaanka Tharaka Gitonga Murugara ka soo hormuuqan doono barasaabkii hore ee ismaamulka Makueni Prof. Kivutha Kibwana iyo Amani Komara.
Guddoomiyaha cusub ee turxaan bixinta ku soo baxa ayaa beddeli doono Eliud Wabukala oo muddo 6 sano ahaa guddoomiyaha EACC.