Maxay ka dhigan tahay in Finland ay ku biirtay NATO?

0
493

Finland ayaa noqotay dal xubin ka ah gaashaanbuurta NATO, iyadoo dalkan oo muddo fog diidanaa inuu ka mid noqdo isbeheysi ciidan uu xubinnimada dalbaday ka dib markii uu Ruushka oo ay xuduud wadaagaan uu ku duulay Ukraine bishii Labaad ee sanadkii hore.
Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa xarunta NATO ee magaalada Brussels ka sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu Ukraine u weerarray si uu u yareeyo awoodda ururkan.
Hasa ahaate uu duullaankaasi uu keenay in gaashaanbuurto ay sii korodho ayuu sii raaciyay Jens Stoltenberg.
Aqalka Kremlin-ka ee Ruushka looga arrimiyo ayaa isna sheegay in Moscow ay ku qasbanaan doonto inay qaado tallaabooyin liddi ku ah ku biiritaanka Finland ee NATO.
Wasiirka wasaaradda difaaca ee Ruushka Sergei Shoigu ayaa sheegay in tallaabadani ay sare u qaadayso in colaadda Ukraine ay ka sii darto.