12 qof oo loo turxaan bixinaya xilka ku xigeenka taliyaha guud ee booliiska

0
236

Guddiga qaran ee adeegga booliiska ee (NPSC) ayaa maanta turxaan bixin doono 12 qof oo laga soo xushay liis ka koobnaa 30.
Shakhsiyaadkan ayaa daneynaya inay buuxiyaan jagada ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada booliiska wadanka.
Tani ayaa timid ka dib markii 10-kii bishii hore uu howlgab noqday Edward Mbugua oo xilkan hayay.
Turxaan bixinta ayaa lagu qabanaya dugsiga dowladda ee xaafadda Lower Kabete ee ismaamulka Nairobi.
Saraakiisha su’aallaha la waydiin doono waxaa ka mid ah afhayeenkii hore ee booliiska haatanna ah taliyaha machadka ciidamada lagu tababaro ee Kiganjo Bruno Shioso, taliyaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee (GSU) Douglas Kanja, agaasimaha waaxda arrimaha gudaha ee booliiska ee (IAU) Birech David Kipkosgei , taliyaha booliiska ee gobolka bari Bunei Rono, Nyale Munga Gideon, Odera Tom Mboya, Makokha Vincent Kinas, Kabogo Jacinta Muthoni, Kiplagat Maurice Kipkoech, Kuraru Rosemary Sipatan, Mwatsefu Cabdallah Komesha iyo Lamet Judy Jebet.
Guddiga adeegga qaran ee booliiska ee NPSC ayaa shacabka ku boorriyey inay qaab qoraal ah ku soo gudbiyaan warbixinadooda ku saabsan shakhsiyaadka la turxaan bixinaya si loo xaqiijiyo inay u qalmaan jagada ay soo codsadeen.
Adeegga qaran ee booliska ayaa waxaa hoggaamiya taliyaha guud ee booliiska Japheth Koome waxaana la shaqeeya labo ku xigeen oo madax ka ah booliiska caadiga iyo kuwa maamulka.