Sarkaal ka tirsanaa militeriga Ruushka oo lagu dilay qarax haddiyad ahaan loo adeegsaday

0
299

Qarax ka dhacay maqaaxi lagu shaaheeyo ee magaalada St.Petersburg ee dalka Ruushka ayaa waxaa ku dhintay Vladlen Tatarsky oo ahaa nin caan ah oo wax ku qora Online-ka kana tirsanaa militeriga Ruushka, sida ay xaqiijisay wasaaradda arrimaha gudaha ee wadankaasi.
Waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay ugu yaraan 25 qof.
Muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qaraxa iyo dad dhaawac ah oo maraya waddada.
Waxaa ilaa iyo hadda caddeyn cidda ka dambeysay qaraxa.
Vladlen Tatarsky oo magaciisa dhabta ah uu yahay Maxim Fomin, ayaa wuxuu ahaa nin si weyn u taageerayay duullaanka uu Ruushka ku qaaday dalka dariska la ah ee Ukraine.
Xilliggii uu qaraxa dhacayay, Vladlen Tatarsky wuxuu marti ka ahaa munaasabad ka socotay maqaaxida.
Waxaa jira warar kala duwan oo ka soo baxaya warbaahinta Ruushka oo ku saabsan qarax.
Warbaahinta Ruushka oo soo xiganeyso ilo wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegaya in taallo yar oo ku jirtay kartoon oo lagu soo qariyay bambo haddiyaad ahaan loogu guddoonsiyay Mr. Vladlen Tatarsky xilli uu ka qaybgalayay xafladda.
Muuqaal sidoo kale lagu baahiyay barta Telegram-ka ayaa muujinayay kartoon lagu soo qariyay bambada oo si kaftan ah loogu dhiibayo ninka, hase ahaatee warbaahinta ma xaqiijin karto in walxahaasi uu qarax ahaa.
Vladlen Tatarsky wuxuu mar ka soo warrami jiray jiidda hore ee dagaalka Ukraine, wuxuu si weyn usoo caan baxay sanadkii la soo dhaafay markii uu muuqaal ka soo duubay gudaha aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin-ka , wuxuuna xilliggaas yiri, “Qof kasta waan ka guuleysan doonaa, qof kasta waan dili doonaa iyo qof kastana waan dhici doonaa”.