Madaxweynaha oo beeniyay in berri hawada laga saaraya warbaahinta

0
429

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay ka soo gudubtay xilliyadii la xiri jiray warbaahinta iyo adeegga intarneetka.
Ururka tifaftirayaasha warbaahinta dalka ee KEG ayaa maanta sheegay inuu ka war helay qorsho ku aaddan in berri la xannibo saxaafadda si dadweynaha aynan ula socon waxyaabaha dalka ka taagan ee la xiriira mudaaharaadyada.
Hasa ahaate madaxweyne Ruto ayaa xusay in maamulkiisa uunan marnaba faragelinayn xuquuqda iyo madax bannaanida warbaahinta .
Sidoo kale waxaa uu sheegay inuunan qabin inuu jiro bartilmaameedsi gaar ah oo lagu hayo warbaahinta.
William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in xita haddii ay warbaahintu la safan dowladda inay ku ixtiraami doonaan gudashada waajibaadkeeda.
Waxaa uu wariyaasha ka codsaday inay qaranka ugu adeegaan si dhexdhexaad ah oo aan lahayn eexasho siyaasadeed.