Mudanayaasha baarlamaanka dalka Turkiga ayaa meel mariyey hindise sharciyeed ku aaddan in dowladda Finland ay ka mid noqoto xubnaha gaashaanbuurta NATO.
Dhammaan 276 xildhibaan oo ka qayb galay kulankii shalay ayaa qorshahan codkooda ku taageeray.
Tani ayaa ku soo beegantay maalmo un ka dib markii baarlamaanka dalka Hungary uu qaaday tallaabo tani la mid ah.
Golaha xeer dejinta ee dalka Turkiga aya ugu dambeeyay 30-ka xubnood ee NATO ee laga doonayay inay meel mariyaan codsiga Finland.
Waxaa arrintan soo dhaweeyay xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg .