Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Xildhibaanka Rarieda oo sheegay in xita madaxweynaha uunan mamnuuci karin dibadbaxyada

Xildhibaanka Rarieda oo sheegay in xita madaxweynaha uunan mamnuuci karin dibadbaxyada

Mudanaha deegaan baarlamaneedka Rarieda ee ismaamulka Siaya Otiende Amollo ayaa sheegay inuunan jirin qof awood u leh inuu mamnuuco dibadbaxyada ay dhigayaan siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja xita madaxweynaha dalka.
Waxaa uu Amollo hoosta ka xarriiqay in farqada 37-aad ee dastuurka wadanka aynan cidna siinayn awoodda noocani ah.
Xildhibaanka oo sidoo kale qareen ah ayaa arrinkan shaaca uga qaaday qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka .
Tani ayaa timid ka dib markii shalay barasaabka ismaamulka Kisumu Prof. Anyang Nyong’o uu hakiyey in dowlad deegaankaasi lagu qabto dibadbaxyo in kastoo markii dambe uu go’aankaasi ka laabtay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments