Waxaa lagu soo warramayaa in labo askari ay ku dhaawacmeen weerar dhanka cirka ah oo uu maamulka Israa’iil ka fuliyey magaalada Damascus ee dalka Syria.
Weerarkan ayaa la gaystay abaare 1:20 habeenimo ee xalay ee saacadda dalkaasi.
Waxaa khasaaraha ka dhashay falkaasi xaqiijisay wasaaradda difaaca ee Syria.
Wasaaradda oo aan faahfaahin dheeraad ah bixin ayaa sheegtay in weerarka uu sababay burbur dhinaca kaabayaasha ah.