Raila iyo senatarka gobolka Delaware ee Maraykanka oo wada hadlay

0
384

Hoggaamiyaasha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya oo uu hor kacayay Raila Odinga ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda Maraykanka.
Waxaa wafdigan hoggaaminayay senatarka gobolka Delaware Chris Coons.
Dhinacyadan ayaa is waydaarsaday aragti ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee wadanka.
Waxay ku heshiiyeen sida loogu baahan yahay qadarinta dastuurka iyo nidaamka wax lagu maamulo howl kasta oo la qabanaya.
Sidoo kale waxay isku afgarteen in aan marnaba la soo afjarin fursadda wada hadalka oo laga dhigo mid furan.