Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida xildhibaankii Banisa

0
358

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska , ehellada, asxaabta iyo shacabka deegaan baarlameedka Banisa ee ismaamulka Mandera.
Tani ayaa timid ka dib markii uu geeriyooday mudanihii deegaankaasi Kuulow Macallim Xasan.
Waxaa uu madaxweynaha xildhibaanka geeriyooday ku tilmaamay shakhsi ay ka go’anayd u adeegidda shacabka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in mudanaha uu si niyad leh ugu ololeyn jiray arrimaha kenyaanka.
Madaxweynaha ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu murugada la qaybsanaya cid kasta oo ay taabatay geerida xildhibaankii Banisa.
Mas’uuliyiin kala duwan ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay geerida mudanaha.
Xisbiga uu ka tirsanaa ee UDM ayaa sidoo kale qoraal uu soo dhigay baraha bulshada kaga tacsiyadeeyay geerida xildhibaankii Banisa Alle ha u naxariistee Kuulow Macallin Xasan.
Waxaa uu ku dhintay isbitaalka Aga Khan ee magaalada Nairobi oo looga daaweynayay dhaawac ka soo gaaray mooto maalmo ka hor jiirtay sida la sheegay.