Buhari oo ku taliyey in mushaarka loo kordhiyo shaqaalaha Nigeria

0
231

Maamulka madaxweynaha xafiiska banneynaya ee dalka Nigeria Muxammadu Buhari ayaa soo jeediyay in mushaar kordhin loo sameeyo shaqaalaha dowladda ee wadankaasi.
Waxay taladan u bandhigeen madaxweynaha dhawaan la doortay ee Nigeria Bola Axmad Tinubu .
Codsigan cusub waxaa soo jeediyay wasiirka wasaaradda shaqaalaha ee Nigeria Chris Ngige.
Waxaa uu qorshuhu yahay in bisha 6-aad ee sanadkan meesha laga saaro miisaaniyad ay dowladda Nigeria ku kabto waaxda shidaalka.
Bisha Shanaad ee sanadkan ayaa la filayaa in Muxammadu Buhari uu xafiiska banneeyo .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here