Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Shiinaha oo sheegay inuu tallaabo qaadaya haddii ay kulmaan McCarthy iyo madaxa...

Shiinaha oo sheegay inuu tallaabo qaadaya haddii ay kulmaan McCarthy iyo madaxa Taiwan

Dowladda Shiinaha ayaa wacad ku martay inay qaadi doonto tallaabo falcelin ah haddii guddoomiyaha golaha wakiillada ee Maraykanka Kevin McCarthy uu la kulmo madaxa jasiiradda Taiwan Tsai Ing-wen.
Haweeneyda hoggaamiso Taiwan ayaa lagu wadaa inay safar ku tagto Maraykanka.
In kastoo aan si gaar ah loo xaqiijin haddana xukuumadda Beijing ayaa hoosta ka xarriiqday inay falcelin doonto haddii ay Tsai Ing-wen gobolka California ee Maraykanka kula kulanto McCarthy sida la soo tabiyey inuu qorshuhu yahay.
Dowladda Shiinaha ayaa aaminsan in jasiiradda Taiwan oo isku aqoonsan mid madax bannaan ay ka mid tahay dalkeeda sidaasi awgeedna cid kasta oo xiriir la sameysa ay faragelinaysa arrimaha gudaha ee Beijing.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments