Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Maxkamadda sare oo fasaxday dibadbaxyada Azimio

Maxkamadda sare oo fasaxday dibadbaxyada Azimio

Maxkamadda sare ee dalka ayaa dhinac iskaga dhigtay dacwad uu gudbiyey barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko.
Siyaasigan ayaa doonayey in maxkamaddu ay hor istaagto dibadbaxyada hoggaamiyaasha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ay ka wadaan gudaha wadanka.
Mike Sonko ayaa ku doodayey in mudaaharaadyada ay sababeen burbur ganacsi oo baaxad leh.
Hasa ahaate garsoore Hedwig Ongundi ayaa diidday inay ku dhawaaqdo amar lagu hor istaagaya dibadbaxyada .
Sidoo kale waxay meesha ka saartay codsi ahaa inay taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japhet Koome ku amarto inuu xiro dibadbaxayaasha.
Xaakinka ayaa sheegtay inaynan amar siin karin sarkaal sare maadaama uu hoggaamiyo waax madax bannaan oo awoodo leh.
Waxay berri maxkamaddu go’aan ka soo saari doontaa codsi kale oo ay gudbiyeen hoggaamiyaasha dhallinyarada ee xisbiga UDA iyo ururka ganacsatada Nairobi oo doonaya in la joojiyo mudaaharaadyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments