Wariyeyaal tabinayay dibadbaxyada mucaaradka ee Nairobi oo mindi lagu weerarray

0
362

Wariyeyaal ka kala socday wakaaladaha wararka ee dalka iyo kuwa caalamiga ah ayaa koox mindi sidata ay ku weerarreen xaafadda Kibra ee magaalada Nairobi, xilli ay tabinayeen dibadbaxyada mucaaradka ee looga soo horjeedo dowladda dhexe.
Dhowr qof oo kale ayaa ku dhaawacmay ka dib markii koox burcad ah ay dhagxaan ku horgooyeen baabuur ay wateen suxufiyiintaasi iyo dad kale.
Wariyeyaasha ayaa laga dhacay wixii ay wateen oo ay ka mid ahaayeen taloofoonada gacanta iyo qalab kale.
Wariyeyaasha loo gaystay dhaca iyo jir dilka ayaa naftooda la baxsaday.