In ka badan 29 qof oo ku dhintay doon ku qallibmatay Tunisia

0
216

Ugu yaraan 29 qof oo isugu jiray qaxooti iyo soo galooti ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen doon ku qallibmatay dalka Tunisia.
Dadkan ayaa doonayay inay gudbaan badda Mediterranean si ay u gaaraan Talyaaniga.
Mas’uuliyiinta Talyaaniga ayaa laga soo xigtay in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ay jasiiradda Lampedusa gaareen 2,500 oo soo galooti ah.