Doorasho baarlamaani ah oo maanta ka dhacaysa Turkmenistan

0
224

Waxaa maanta dalka Turkmenistan ee bartamaha qaaradda Aasiya ka socoto doorashada baarlamaanka.
Wadankan oo hodhon ku ah shidaalka ayaa waxaa ku dhawaad 20 sano hoggaaminayey hal qoys waxaana laga oggolayn mucaaradnimo siyaasadeed.
Goobaha codbixinta ayaa furmay abaare 7:00 subaxnimo ee saacadda dalkaasi waxayna soo xirmi doonaan abaare 7-da fiidnimo.
Madaxweynaha dalka Turkmenistan Serdar Berdymukhamedov ayaa codbixiyeyaasha u xaqiijiyey in doorashada ay u qabsoomi doonto si dimuqraadi ah.