Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo safarro ku tagaya Jarmalka iyo Belgium

Madaxweynaha dalka oo safarro ku tagaya Jarmalka iyo Belgium

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa la filayaa inuu maanta u ambabaxo safarro uu ku tagi doono waddamada Jarmalka iyo Belgium.
Ruto ayaa wada hadallo la yeelan doono madaxda Midowga Yurub wuxuuna uga warbixin doonaa sida ay dowladda Kenya uga go’an tahay inay sii wanaajiso xiriirka kala dhexeya Midowga Yurub gaar ahaan arrimaha nabadgalyada , dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga iyo ka shaqeynta horumar waara oo loo dhan yahay.
Dowladaha Kenya iyo Jarmalka ayaa iska kaashanaya arrimaha dhallinyarada si gaar ah tacliinta iyo tababarrada farsamo.
Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Xuseen Maxamad ayaa bayaan ku sheegay in safarka hoggaamiyaha wadanka uu qaadan doono afar cishe.
William Ruto ayuu qorshuhu yahay inuu magaalada Berlin kula kulmo madaxweyne Frank-Walter Steinmeier iyo hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz waxayna ka wada hadli doonaan sare u qaadidda xiriirka ka dhexeya labada dal.
Madaxweyne Ruto ayaa sidoo kale khudbad ka jeedin doono madasha wada xaajoodka ee arrimaha tamarta.
Waxaa uu faahfaahin ka bixin doonaa caqabadaha dhanka tamarta isagoo ku baaqi doono in gudaha Kenya iyo si guud qaaradda Afrika looga sameeyo maalgashi dhinaca tamarta ah.
Intaasi ka dib waxaa uu madaxweyne William Ruto u sii gudbi doonaa magaalada Brussels halkaasi oo uu kulan kula qaadan doono ra’iisul wasaaraha dalka Belgium ,Alexander De Croo.
Mas’uuliyiintan ayaa ka wada hadli doono arrimaha caafimaadka, la tacaalidda saameynta isbeddelka cimillada , ganacsiga, maalgashiga , wax ka qabashada cunno yarida dalka ka jirta iyo ka falcelinta saameynta abaarta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments