Dowladda Honduras ayaa lagu soo warramayaa inay xiriirkii dibloomaasiyadeed u jartay jasiiradda Taiwan.
Tani ayaa dowladdan u horseedaysa inay xiriir rasmi ah la yeelato Shiinaha.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Honduras ayaa bayaan ay soo dhigtay Twitter-ka ku sheegtay in dowladda dalkaasi ay aqoonsan tahay jiritaanka Shiinaha oo mid ah.
Waxaa qoraalka ku cad in jamhuuriyadda shacabka Shiinaha ay tahay dowladda keliya ee sharciga ah ee matasha guud ahaan Shiinaha.
Sidoo kale waxay sheegtay in Taiwan ay tahay qayb ka mid ah dhul-waynaha Shiinaha oo aan wadankaasi laga saari karin.