Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Raila Odinga oo dowladda ku eedeyay qorsho lagu carqaladeynaya dibadbaxyada

Raila Odinga oo dowladda ku eedeyay qorsho lagu carqaladeynaya dibadbaxyada

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa dowladda dhexe ku eedeyay inay wado qorsho lagu carqaladeynaya mudaaharaadyada qorsheysan.
Shir jaraaid oo uu qabtay maanta ayuu Odinga ka sheegay inay heleen xog ah in hooyga madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ee xaafadda Karen magaalada Nairobi uu ka qabsoomay shir ay ka qayb galeen madaxa aqlabiyadda ee baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wa iyo xildhibaanka deegaanka Kiharu Ndindi Nyoro.
Raila ayaa ku andacoonaya in kulankaasi lala yeeshay dhallinyaro laga soo abaabulay ismaamullada wadanka si maalmaha ay dibadbaxyada dhacayaan ee Isniinta iyo Khamiista ay dhibaatooyin u gaystaan iyagoo ku labisan dareeska ciidamada ammaanka.
Waxaa uu intaasi ku daray in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay in maalinkaasi waxyeello la gaarsiiyo ilaa 1000 qof si looga dhigo in dibadbaxyada uu dhiig badan ku daatay oo siyaasiyiinta mucaaradka loola tiigsado maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da.
Hasa ahaate Raila Odinga ayaan soo bandhigin caddeyn la xiriirta eedeynta uu jeediyay marka laga soo tago inuu sheegay inay xog heleen.
Sidoo kale madaxda uu ku eedeyay inay shirkan qabteen ayaan weli ka falcelin dhaliisha uga timid madaxa mucaaradka ee dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments