Taliyaha ciidamada dhulka ee dalka Ukraine Oleksandr Syrskyi ayaa sheegay inay dhawaan billaabi doonaan howlgallo ay uga falcelinayaan weerarrada uu dhawaan Ruushka ka gaystay magaalada Bakhmut .
Waxaa uu sheegay in saraakiisha difaaca ee xukuumadda Moscow ay hadda u muuqdaan kuwo daalay oo sii tabar dhigaya.
Taliyaha ayaa carrabka ku adkeeyay inay tani ka faa’iidaysan doonaan maadaama howlgallo noocani ah ay horay uga sameeyeen meel u dhow magaalooyinka Kyiv, Kharkiv, Balakliya iyo Kupiansk.