Madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka kana mid ah xulafada isbeheysiga mucaardka Azimio La Umoja-One Kenya sidoo kalena ah mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Ugunja Opiyo Wandayi iyo dhigiisa aqalka sare ahna senetarka ismaamulka Kilifi Stewart Madzayo oo ay weheliyaan xubno kale oo baarlamaanka ka tirsan oo lagu xiray mudaaharaadyadii maalinkii Isniinta ee toddobaadkan wadanka ka dhacay ayaa maanta tegay maxkamadda Kahawa ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta inay ka qayb galeen islamarkaana hor kacayeen dibadbadbaxyo la mamnuucay oo aan sharci ahayn.
Danstan Omari oo ka mid ah qareennada matalaya xildhibaannadan ayaa warbaahinta uga warramay dacwadda lagu soo oogay mas’uuliyiintan.
Dhanka kale senetarka ismaamulka Makueni Dan Maanzo ayaa sheegay in maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da ay u gudbin doonaan kiis ka dhan ah saraakiishii booliiska ee qaybta ka ahaa dilka arday dhiganayay jaamacadda Maseno ee ismaamulka Kisumu oo ku dhintay dibadbaxyadii maalinkii Isniinta
Waxaa uu xusay in ay tahay in maxkamadda la horgeeyay sarkaalkii toogtay ardayga dhintay.