Maraykanka oo dhaliilay isku soo dhawaanshaha Ruushka iyo Shiinaha

0
260

Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa dhaliilay tallaabada dowladaha Ruushka iyo Shiinaha ay ku wanaajinayaan xiriirka ka dhexeya.
Tani ayaa timid ka dib markii ay kulmeen madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo dhigiisa Shiinaha Xi Jinping.
Blinken ayaa guddiga arrimaha dibadda ee aqalka sare ee Maraykanka u sheegay in labada mas’uul ay dantu isu keentay.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in dowladda Shiinaha ay horay u diiday inay hub siiso Ruushka si uu ugu adeegsado duullaanka militari ee ka dhanka ah Ukraine.
Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa hoosta ka xarriiqay in Ruushka iyo Shiinaha aynan weli qaadin tallaabo loo cuskan karo xiriir saaxiibtinnimo oo qoto dheer oo ka dhexeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here