Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya 14 ka mid ah ismaamullada dalka oo la siinaya sariiraha isbitaallada ee...

14 ka mid ah ismaamullada dalka oo la siinaya sariiraha isbitaallada ee lagu sameeyay Kenya

Dowladda dhexe ayaa ku howlan in 14 ka mid ah ismaamullada wadanka loo qaybiyo sariiraha lagu seexiyo bukaannada daryeelka caafimaad ka raadsado isbitaallada kuwaasoo lagu sameeyay gudaha dalka.
Dowladda ayaa qaybisay in ka badan 170 sariir oo loogu talagalay in dowlad deegaan kasta oo 14-ka ka mid ah uu helo ugu yaraan 10.
Wasiiradda wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee Kenya Betty Maina ayaa sheegtay in dowladda ay diiradda saareyso sidii ay u iibsan lahayd agabka ay sameyeen farsamo yaqaannada dalka si loo wanaajiyo nolosha kenyaanka ku shaqeysanaya xirfadaha kala duwan.
Mrs. Maina ayaa xustay in ka dib amar uu soo saaray madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta,la soo iibiyay 500 oo ah sariiro lagu sameeyay gudaha Kenya.
Wasiiradda ayaa dhanka kale dhallinyarada ku boorrisay in ay muujiyaan kartidooda maadaama ay dowladda fursad siinayso wax soo saarkooda.
Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Karanja Kibicho ayaa sheegay in ismaamullada ay sariiraha ku helayaan si lacag la’aan oo uunan wax qarash ah kaga baxeyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments