Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Madaxa mucaaradka ee Senegal oo sheegay inuu ka badbaaday qorsho dil ah

Madaxa mucaaradka ee Senegal oo sheegay inuu ka badbaaday qorsho dil ah

Hoggaamiyaha mucaaradka ee dalka Senegal Ousmane Sonko ayaa sheegay inuu ka badbaaday shirqool la doonayay in naftiisa looga takhaluso.
Siyaasigan ayaa si wayn u dhaliila madaxweynaha wadankaasi Macky Sall.
Sonko ayaa maalmihii la soo dhaafay qaadanayay daryeel caafimaad ka dib markii Khamiistii hore sida la sheegay ay waxyeello gaarsiiyeen ciidamada ammaanka.
Hasa ahaate maamullada amniga ee dalka Senagal ayaan weli ka jawaabin eedeynta uga timid madaxa mucaaradka ee ah inuu jiray iskuday ku aaddan in isaga la dilo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ugu yaraan 400 oo qof loo xiray rabshado ka dhacay magaalooyin kala duwan oo ku yaalla Senegal ka dib markii madaxa mucaaradka maxkamad la soo taagay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments