India oo laga xaqiijiyay in ka badan 50,000 oo ah xaaladaha cusub ee COVID-19

0
324

Wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa sheegtay in ay diiwaangelisay xaalado dheeraad oo ah kuwa cudurka COVID-19 oo gaaraya 53,476.
Tiradan ayay wasaaraddu ku sheegtay midii ugu badneyd ee hal maalin gudaheed la xaqiijiyo muddo shan bilood ah laga soo billaabo 23-kii bishii Tobnaad ee sanadkii hore.
Tirada guud ee kiisaska caabuqa corona ee wadanka India ayaa hadda ah 11.8 milyan waana midda saddexaad ee ugu badan caalamka marka laga soo tago wadamada Maraykanka iyo Brazil.
Sidoo kale hal maalin gudaheed waxaa India cudurka COVID-19 ugu dhintay 251 qof oo dheeraad ah tani oo dhimashada guud ka dhigtay 160,692.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here