Imran Khan oo maanta tagaya maxkamadda Lahore

0
242

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan ayaa la filayaa inuu maanta tago maxkamadda sare ee magaalada bari ee Lahore.
Waxaa uu gudbinaya codsi uu aaminsan yahay inuu uga badbaadaya in la xiro.
Tani ayaa timid ka dib markii Khan loo jaray warqado badan oo waaran ah oo lagu soo xiraya.
Tallaabada uu qaadaya Imran Khan waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Azhar Siddique oo ka mid ah qareenadiisa.
Waxaa uu qareenka xusay in dacwadaha ka dhanka ah ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan la geeyay maxkamadaha magaalooyinka Lahore iyo Islamabad.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in maxkamadda Lahore ay guddi ka kooban labo xubnood u xil saartay dhageysiga racfaanka Imran Khan.
Waxaa uu Khan ku eedeysan yahay inuu iibsaday hadyado dowladda Pakistan la siiyay intii u dhexeysay 2018 ilaa 2022 xilligii uu ahaa ra’iisul wasaaraha wadankaasi.
Hasa ahaate siyaasigan 70 sano jirka ah ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo jeediyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here