Burcad hubeysan ayaa weerar ku qaadday tuulo ku taalla ismaamulka Samburu islamarkaana waxay dhaceen 150 neef oo ari ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in burcadda ay dhaawaceen hal qof oo hadda la daaweynaya wuxuuna warbaahinta uga warramay sida ay wax u dhaceen.
Weerarkan ayay burcadda gaysteen xilli halkaasi la geeyay ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta, sidoo kalena la billaabay howlgallo amni oo ka dhan ah burcadda.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ee xoolaha laga dhacay ayaa warbaahinta la hadlay.