Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Gachagua oo difaacay magacaabidda 50 xoghayeyaal ah

Gachagua oo difaacay magacaabidda 50 xoghayeyaal ah

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa difaacay tallaabada uu hoggaamiyaha wadanka William Ruto ku soo magacaabay xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha dowladda dhexe oo gaaraya 50.
Waresy uu saaka bixiyay ayuu Gachagua ku sheegay in xilalkan ay yihiin kuwo loo baahan yahay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in wasaaradaha ay la tacaalaan arrimo kala duwan sidaasi awgeedna loo baahan yahay in la sii xoojiyo tirada iyo kartida howlwadeennada.
Rigathi Gachagua ayaa sheegay in haddi baarlamaanka uu ansixiyo dhammaan xoghayeyaasha la soo magacaabay ay taasi gacan ka gaysan doonto dib u soo nooleynta dhaqaalaha dalka .
Xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha dowladda dhexe ayay xilligii madaxweynihi hore ee dalka Uhuru Kenyatta tiradoodu ahayd dhowr iyo labaatan.
Waxaa tiradan la kordhiyay dhaliilay hoggaanka ururka qareennada dalka ee LSK oo xusay inay culeys dheeraad ah ku yihiin canshuur bixiyeyaasha wajahaya xaaladaha adag ee nololeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments