Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa ku hanjabay inuu maxkamadda geyn doono dacwad ka dhan ah madaxweynaha dalka William Ruto.
Raila ayaa ku doodaya in Ruto uu weli hadal hayo iskudaygii afgembi ee sanadkii 1982-dii lala xiriiriyay tani oo uu tilmaamay inay dhaawacaysa sumcadiisa.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nakuru sheegay in dacwaddi xilligaasi lagu soo oogay meesha laga saaray ka dib markii lagu waayay caddeyn wax ku ool ah in kastoo uu xabsi ku jiray 6 bilood.