Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo magacaabid cusub sameeyay

Madaxweynaha dalka oo magacaabid cusub sameeyay

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xildhibaankii hore ee deegaanka Soy ee ismaamulka Uasin Gishu, Caleb Kipkemei Kositany u magacaabay xilka guddoomiyaha guddiga agaasimayaasha maamulka garoomada diyaaradaha ee (KAA) .
Kositany oo ay aad isugu dhow yihiin madaxweynaha ayaa jagadan hayn doono muddo Saddex sano ah.
Madaxweyne Ruto ayaa sidoo kale William Kimathi u magacaabay guddoomiyaha guddiga qaran ee adeegyada sharciga.
Kimathi ayaa xilkan hayn doono muddo 6 sano ah laga billaabo maanta.
Guddiga uu hoggaamin doono ee (NLAS) ayaa ka shaqeeya in adeegyada dhanka sharciga la gaarsiiyo qaybaha nugul ee bulshada ee ku dambeeya dhinaca horumarka .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments